Bowden Drilling: Shirkadii Shidaal Qodista ee Awdal 1988?
Shirkada Mareykanka ee Chevron oo ah shirkadaha ugu waweeyn ee xaga Shidaalka, waxayn baadhitaano ka sameysay meelo badan oo Somalia ku yaal xiligii dawladii Maxamed Siad barre Illaahay ha u naxariistee.
Chevron waxay baaadhitano ku sameysay meelo badan waxaana ka mid ahaa Deegaamo ku yaala Awdal sida: Hemal1, Hemal 2, Geerisa, Habaas Ceel-Gaal iyo Xeebaha Lughaya. Chevron oo sii wadata hawlaheeda baadhitaan ee Shidaalka waxay qandaraas hoose siisay ( sub-contract )shirkadaha ku jirra dallada baadhitaanka shidaalka(Subcontract exploration netwerk ) waxaana ka mid ahaa shirkadaha Conoco & Fina oo Bariga Somalia laga siiyey ,iyo Bawden Drilling oo laga siiyey Awdal.
Bawden Drilling waxay aheyd shirkad laga lahaa Wadanka Canada oo hawlaheedu yihiin qodista shidaalka,Macdanta iwm.markii ay ka bilowday Gobolka Awdal sanadihii 1987-1989 hawlgalkii ugu horeeyay waxay ka bilaabeen Ceel-Gaal.
waxaan Mas’uul ka ahaa Gaadiid ay lahayeen ganacsato Reer awdal ah oo daabula alaabta Transitka ee Djibouti-Somalia. waxaan ka soo qaadi jirey dekada Djiboutia qalab isugu jira Saliida Motorada Nooca W40 & W50, xaydha la mariyo Motoorada Qalabka dayactirka iyo markaan imaado oon qaban jirey xooga maamulka Gadiidka iyo Saadka ee looga baahan yahay Djibouti ( Transportation and Logistics ) & lacagta xamuulka wakiilka Bawden Drlling ee Djibouti waxay aheyd shirkad la odhan jirey Micheal cott ,shidalkana waxay ka soo qaadan jireen Mobil Djibouti.
Hadaba dhawr jeer markii aan imiday Ceel-Gaal waxaan shahiid u ahaa God ama Hog qiyaaasti u dhow Garoon kubadeed (Football Field ) hoosna u dheer oo Cagaf-cagafyo waaweeyn ay ku jiraan, shaqaalaha Somalidu way ku yaraayeen waxayna ubadnaayeen Philipines & xoogaa Khubaro Western ah, turjubaan waxaa ka ahaa Xuseen Ingriis xaga nabadgelyada waxaa u qabilsanaa Taliyihii Ciidama xeebta ee wakhtigaas markii dambena Wasiir ka noqday Maamulka Somailand MD: Cabdilaahi Dirawal oo ahaa
Sarkaal xukumi jirrey Ciidankii Hobiyaha ee Xooga Dalka Somaaliyeed ee Caracad /Quljeed 1988 waxay dalbadeen 3000, Kiish Shamiito ama Shibidhka biyaha lagu joojiyo ah;
waayo ? Banka Giriyaad oo leh biyo hoosaad aad u badan (under ground rivers?) Dawladuna waxay ku amartay in Shibidhka dalka dibadiis laga keeni karin ee lag dalbado Warshada Shibidhka ee Berbera.
waxay ku shubeen Bohoshii qodnayd mudo Bil ahka dibna waxay ku rogeen Ciidii ay ka faageen ama ay ka qodeen Bohoshaas.
Dad badan ayaa aaminsan In la daboolay la soo saari doono halka kuwo kalena ay aaminsanyihiin in Shidaalka qaabkan oo kale aan loo qodin
laakiin dhibaatadu waxay ka taagan tahay Dadka Somalida oon laheyn aqoon ku filan oo Dadka iyo Dalkaba ku mareeyaan, haday noqoto xaga khayraadka iwm
Dhacdadan waxaan u ahaa markhaati. warbixino badanina way iga kala maqan yihiin waanse raadinayaa. Shirkadu waxay degan tahay Canada - markaa waxaan isku dayi doonaa inaan la xidhiidho oo aan warbixin waydiiyo inkastoo ayna u badnayn in shirkadi warbixin siiso qof aan dawlad ahayn ama matalayn hay’ad.
Maqaalkuna wuu sii socon doona…
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Amsterdam /Holland
1 Comment(s)
Comments RSS TrackBack Identifier URI
Leave a comment








Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
waxa ahaa barigaa wiil yar oo kuray oo dugsiga sare ee camuud ayaan dhiganayay form (2)markaa waxa tagay fasaxii magaalada lowyacado aniga oo rabay in aan u sii gudbi ilaa jabuuti
waxanse waxoogaa maalmo ah aan la joogay dad ehelkay ah oo dagan lowyacado wax aan maali arkay oo xaga jabuuti ka yimid baabuur aad u waawayn oo shirkado ah oo aad u far badan baabuurtaa hore waligay umaanan arg waxy igu noqdeen wax aan la yaabo inta ay leegyihiin marka aa qiyaaso taayiradooda ayaa laba mitir ku dhawaa aniga oo layaaban oo ag istaagay ayaan waxan la hadlay mid ka mid ah dirawalad babuurtaas iyaga oo dhulka jooga oo waxoogaa iska nasanaya lowyacado gudahooda isna sugaya waxn kula halay luuqada english oo aan waqtigaa si aad ah aan u xiisaynayay in aan ku yara hadhadlo ama laygulayara hadlo dirawalkii waxan ku iri what is your nationality wuxu iigu jawaabay i am canadian hadaba waxan akhryay daqada gaadhiga oo had aan aad u xasuustaa shirkda magaceeda ilaa hada dibna uman arag meel ay ku qoranyahay iyo meel ay xataa ku taalo sida an u xafidsanaa ilaa barigaas waxa iigu xigtay hada oo aan web site kan aan ku arkay waxayna ahayd (bawden) wax faaladaa igu kalifayba waa shirkadaa oo ilaa yaraantaydii aan xasuusnaa hadana aan halkan ka akhriyay kadib waxan ku celiyay dirawalkii you are American aniga markaa maana kala garanayn inay kala laba yihiin canada iyo America maraykan ayuunbaan u haystay inay yihiin laakiin wuu igu xanaqay wuxuuna iigu jawaabay no non no no I am canadian cabaar ayaan hadalo kuyar tuur tuuray ka dib waa ay dhaqaaqeen waxayna u soo kicitameen ilaa xaga ceel gaal dhawr bilood kadib ayaan jabuuti ka soo noqday aniga oo maqlay in shidaal laga qodayo ceel gaal waxan meel waxoogaa u jirta ceelgaal markii aan soo maraynay goor ay habeen tahay ku arkay wax sida towerka ah ama bir aad u dheer oo dusha ka iftiimaysa oo meel fog ka muuqata iyo waliba nalal badan intaas ayan ka xasuustaa bye from mahdi suldan